You are currently viewing Habka Ugu Wanaagsan Ee Aad U Hir-Galin Karto Ganacsi Guulaysta Oo Hana-Qaada.
Habka Ugu Wanaagsan Ee Aad U Hir-Galin Karto Ganacsi Guulaysta Oo Hana-Qaada

Habka Ugu Wanaagsan Ee Aad U Hir-Galin Karto Ganacsi Guulaysta Oo Hana-Qaada.

  • Post author:
  • Reading time:6 mins read

Maqaalkani wuxuu ka jawaabayaa su’aalahan hoose iyo qodobo kale:

  1. Waa maxay ganacsigu?
  2. Waa maxay xorriyada maaliyadeed?
  3.  maxay yihiin tallaabooyinka yagleelida ganacsi guulaysta?
  4. Waa maxay shuruudaha ganacsi hana qaada?
  5. Maxay yihiin tiirarka ganacsigu?
  6. Maxay kala yihiin waaxaha ama laamaha seeska u ah ganacsi kasta?
  7. Muxuu muhiim u yahay habku (System)?

Inta aynaan guda galin habka iyo tallaabooyinka ugu wanaagsan ee aad u yagleeli kartid ganacsi guulaysta, aynu bal marka hore is waydiino, maxaad u doonaysaa inaad ganacsi samayso ama abuurto?

 jawaabtoo koobani waa si aan uga baxo shaqaalanimada iyo si aan u gaadho ama u helo,xorriyad dhaqaale ama maaliyadeed (financial freedom), hagaag mar  hadday  sidaa tahay aynu bal qeexno ama isla garano waxa ay tahay  xorriyada maaliyadeed tahay.

Xorriyada maaliyadeed (financial freedom):waa inaad yeelato il dhaqaale oo kusoo galisa aduun kaasoo aad u isticmaashid baahiyahaaga nololeed adigoon shaqayn.

Markay sidaa tahay een isla garanay waxay tahay  xorriyada maaliyadeed, waa in aynu isla qirnaa, in aanad xorriyad maaliyadeed gaadhahayn intaad shaqaale tahay jagada iyo booska aad haysaa heer kasta oo uu yahay, taa in aad niyada ku hayso ayaa lagama maarmaan ah, shaqadana aad ka dhigato sallaanka ku gaynaya yagleelka ganacsigaaga iyo gaadhida xorriyada maaliyadeed.

Tallaabada Koobaad;

Yagleelida Ganacsiga:

Intaynaan guda-galin qaabka ugu wanaagsan eed u yagleeli lahayd ganacsigaaga gaarka ah, bal aynu is waydiino waa maxay ganacsigu horta?

Ganacigu: waa adeeg kasta ama alaab kasta oo aad siiso macmiilkaaga taas badalkeedana aad ku qaadato lacag, si kooban waxa weeyaan “inaad bixiso qiimo (value) hadday tahay alaab ama adeeg ood ku qaadato lacag”.

Maxaad u baahantahay si aad u bilawdo ganacsigaaga?

Dooro ganacsigaaga si hubsasho leh oo sax ah, oo aad si mug leh u rog rog tay aadna uga fikirtay adigoo samaynaya saddexdan tiir ee hoos Ku Xusan:

  1. Qorshe ganacsi oo hufan(Business plan)
  2. Darsida suuqa(market research).
  3. La hadalka macaamiisha iyo jaan-goynta baahiyahooda.

Shuruudaha Yagleelka Ganacsi Taaba-Gal Ah Oo Guulaysta

Ganacsigaaga si uu u guulaysto waxaa lagama maarmaan ah in laga helo shuruudahan saddexda ah ee hoos ku qoran:

  • Waa inay jiro bulsho bar-tilmaameed kuu ah.
  • Karitaanka bulshadaasi iibsiga adeega iyo alaabta aad bixinayso.
  • Inaad kari kartid siinta adeega iyo alaabta bulshadaas si sax ah oo raali galinaysa macmiilka iyo cida bar-tilmaameedka kuu ah.

Tallaabaada Labaad;

 Laamaha Uu Ka Koobnaanayo Ganacsigaagu:

Mashruuc kasta ama ganacsi kasta noocuu doono ha ahaado intuu doonana ha le’ekaadee, waa inuu yeeshaa saddex laamood ama waaxood, si uu u noqdo mid taabba gala oo guulaysta, waxayna kala yihiin sidan hoos ku xusan:

  1. Maamulka iyo maaraynta (management).
  2. Wax-soo saarka ama adeeg bixinta  (production & operation).
  3. Suuqaynta iyo iibka (marketing and sales).

Waxaaad maanka ku haysaa laanta ugu muhiimsan mashruucaaga ama ganacsigaagu waa laanta suuqaynta iyo iibka,haddaadrabtoinuuganacsigaagu meel maro ama hana-qaado, waa inaad u qorshaysaa waaxdan  miisaaniyada mashruucaaga 80% waayo waaxdani waa ta jaan-goysa, guusha iyo guul-darada ganacsigaaga iyo mashruucaaga.

Tallaabada Saddexaad;

Samaynta Hab (System) Iyo Nidaam:

Hab(system) markaan leeyahay waxaan u jeedaa, waa jaan-gaynta masuuliyadaha iyo hawlaha kala duwan ee laamaha ama waaxaha iyo kala hagidooda, halkaas oo ay ku dhamaystirmayso socdaalka mac-miilku laga soo bilaabo suuqaynta kadibna iibka kadibna wax soosaarka ugu danbayna ay ku soo af-meermayso maamulka.

Mohamad Omar

Author, Coach, Consultant And Expert Of Self And Business Development.

This Post Has One Comment

  1. Mubarak

    Good point

Leave a Reply